Baaritaano laga wado degmada Hodan oo xalay dilal iyo qaraxyo ka dhaceen
Isgooska Kaasa bal-balaaro ee degmada Hodan magaalada Muqdisho ayaa xalay ciidanka Booliska ee halkaasi ku sugan waxa ay ku dileen hal qof halka qof kalena ay ku dhaawaceen .
Wararka ayaa sheegaya in labada qofba ay ahaayeen dhalinyaro kuwaasi oo sida la tilmaamay doonayay inay Bombaanooyin ku weeraraan c iidamo ku sugan isgooska KPP ee degmada Hodan.
Qof goob jooge ah ayaa idaacadan Kulmiye u xaqiijiyay sida ay wax u dhaceen isagoona tilmaamay ina degamaadaasi ay xalay ka dhaceen dilal kala du duwan iyo sidoo kale qaraxyo ,isagoona tilmaamay in halkaasi ay ka bilowdeen baaritaano ay wadaan ciidamada Booliska degmada iyo sidoo kale kuwa nabad sugidda.
Ciidanka Booliska eek u sugan isgooska Kaasa balbalaaro ee u dhaw saldhiga degmada Hodan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore oo is xig xigta waxaa lagu weeraray bambaanooyinka iyadoona sida la sheegay ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho soo gaartay ciidanka halkaasi ku sugan.