Fafaahin qarax ka dhacay Kismaayo iyo amaanka oo laga hadley
Kadib markii shaley Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose uu ka dhacay qarax xoogan oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa qaraxaasi ka hadley saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Xeebta leh ee Kismaayo.
Korneel Mursal Geedi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa ka dhacay Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo uu ku dhintey hal ruux halka ay ku dhaawacmeen Afar kale kuwaasi oo wax laga xumaado ku tilmaamay.
Mar uu ka hadlayay cida ka danbeysay qaraxa qasaaraha geystey ee ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu dusha ka saarey Kooxda Shabaab ee Soomaaliya,wallow Shabaab dhankooda aaney jirin wax war ah oo ay kasoo saareen Qaraxa shaley ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose.
Sargaalkan oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay iney wax ka qabanayaan xaalada amaanka ee Magaalada Kismaayo xili dhowaan lagu wado Magaalada inuu gaaro Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Ray’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.